Shaqada dhallinyarada dhexgalka ah (etsivä nuorisotyö) ee Helsinki: Taageero loogu talagalay dhallinyarada aan waxbaran ama shaqayn

Shaqada dhallinyarada dhexgalka ah ee Helsinki waxay taageertaa dhallinyarada aan hadda waxbarasho ku jirin ama aan shaqayn. Waxaan sidoo kale taageernaa dhallinyarada raba in ay noloshooda isbeddel ku sameeyaan. Shaqada dhallinyarada dhexgalka ah waxaa loogu talagalay dhallinyarada qaangaaraysa ee da’doodu u dhexeysa 18–28 sano. Shaqada dhallinyarada dhexgalka ah waa lacag la’aan.  

Taageerada xaaladaha nololeed ee kala duwan ee dhallinyarada

Shaqada dhallinyarada dhexgalka ah waxaa loogu talagalay in ay da’yarka ka taageerto xaaladaha nolosha ee kala duwan. Da’yarku iyo shaqaalaha dhallinyara ayaa si wadajir ah u go’aamiya hadafyada shaqada wadajirka ah. Hadafku wuxuu noqon karaa tusaale ahaan helista hiwaayad cusub.

Shaqaalaha shaqada dhallinyarada dhexgalka ah waxay da’yarta kula kulmi karaan si fudud iyo meelo kala duwan, tusaale ahaan maktabadda gurigiisa u dhow ama kafateeriga. Xafiiska shaqada dhallinyarada dhexgalka ah wuxuu ku yaal Korkeavuorenkatu. Haddii loo baahdo waxaan ku heshiin karnaa kulan xafiiskeenna ka dhacaya.

Waxaan ku hagnaa adeegyada muhiimka ah

Waxaa markasta shaqada ka muuqata ku hagista adeegyada. Waxaan ku hagnaa goobaha iyo hababka saxda ah ee uu da’yarku ka qabsan karo arrimihiisa muhiimka ah noloshiisana sida uu isagu rajaynayo ugu hagaajin karo. 

Shaqada dhallinyarada dhexgalka ah ma ahan caawimaadda sooshalka mana beddelayso taas. Sidoo kale ma bixiso shaqo oo soo kabasho ah mana beddelayso daryeelka ay bixiyaan xirfadlayaasha caafimaadka dhimirka.

Waxaan hagista ku bixinnaa af finnish, haddii loo baahdana waxaan hagitaanka ku bixin karnaa af ingiriis. Waxaa suuragal ah in shaqada dhallinyarada dhexgalka ah si gaaban loogu isticmaalo adeegyada tarjumaadda, si aan u helno adeegyada ku habboon.

Waxaad shaqada dhallinyarada dhexgalka ah ee Helsinki kala soo xiriiri kartaa hababka soo socda:

  • Wac ama farriin u dir lambarka 040 184 3175.
    Waxaan ka jawaabaynaa Arbaco–Jimco, saacadda u dhexeysa 9–15. Haddii aanan awoodin in aan isla markiiba kaga jawaabno, annagaa ayaa ku soo wacayna. Waxaan khadka telefoonka ugu adeegnaa af finnish, iyo haddii loo baahdo af ingiriis. Marka lagu jiro wakhtiyada kale, noo reeb farriin ama iimayl. Kama jawaabno telefoonnada wakhtiga ka baxsan xilliga talabixinta.
  • Ku soo dir iimaylka etsivanuoriso@hel.fi
  • Waxaad sidoo kale linkigan ku reebi kartaa codsiga la soo xiriirinta Buuxi foomka xiriirka (foomku wuxuu ku qoranyahay af finnish, iswiidhish iyo ingiriis)

Shaqada dhallinyarada dhexgalka ah ee Helsinki ku baxda luqadda iswiidhishka waxaa hirgeliya Sveps: https://sveps.fi/fi/etsiva-nuorisotyo